67% Xawaaladihii taagnaa oo dib loogu celiyay macaamiisha

Dhamaan saamileyda, macaamiisha, wakiilada iyo shaqaalaha Qaran Express waxaa lagu war-gelinayaa in shirkaddu howlihii xisaab xirka ahaa ay si habsami leh u socdaan.
 
Waxaa la howl-geliyay guddi loo xilsaaray soo uruurinta lacagaha ku maqnaa wakiilada. Waxaa kaloo socda bixinta xawaaladihii la diray ee sugayay in la bixiyo iyadoo ilaa iyo hadda la bixiyay in ka badan 67%. Waxaa xigi doona bixinta amaanooyinka.
 
Warar dheeri ah kala xiriira xarunta dhexe ee shirkadda +97142500887 iyadoo ay diyaar ku yihiin shaqaalaha iyo masuuliyinta shirkadda.
 
Wixii talo iyo tusaale ah ku soo dir info@qaranexpress.com. Samileyda waxaa ay la soo xiriiri karaan sh@qaranexpress.com.